Iska Dhoolacaddee Sida Cirro Waa Caafimaade!!

Published by

on

15056403_820247944783683_7768978670360606662_n

Qiimaha dhoolacaddeyntu waa shay qaali ah bal se waa waxa ugu fudud, ugu jaban uguna dareenka wacan ee hadyad ahaan qof loo siiyo, taas oo lagu degi karo laguna kasban karo qalbiga ruux kasta, haba ahaado ruuxaasi mid kakane! Dhoolacaddeyntu waxa ay abuurtaa jawi deggan oo qalbiga iyo ruuxdaba u roon waxayna ku abuurtaa farxad iyo niyad-samaan soo waajahda guud ahaanba nolosha aadamaha!

Dhoolacaddeynta u dhalashada ahi waxa ay ka wacan tahay daawada dhiirrigalinta loo qaato, waxa ay keentaa raaxo, waxa ayna kaxeysaa daalka, sida oo kale dhoolacaddeyntu waxa ay rajo galisaa qof rajo dhigay oo quustay, waxa ayna ku abuurtaa raynrayn iyo dib-u-kabasho soo fufta! Dabcan maadama aadamuhu iska hawlo badan yahay, noloshuna ay leedahay labo dhadhan oo kala ah macaan iyo qadhaadh oo marba midkood la muudsado, haddana waxa la ogyahay in dadka muusda qadhaadhka balse dhoolacaddeeyaa ay u baddashaan macaan. Dhoolacaddeyntu waa habka kaliya ee la isku illowsiin karo hagardaamada iyo hantaaqada isku sidkan ee nolosha ku gadaaman!

Dhoolacaddeyntu waxa ay qurxisaa wajiga qofka, waxa ay muujisaa farxadda qofka, waxa ayna ka turjuuntaa dareenka iyo dabeecadda qofka. Sida la ogyahay qof walbaaba qofka uu ka dhoolacaddeyn badan yahay waa uu ka qurux badan yahay waana uu ka soo jiidasho badan yahay sida ay barwaaqadu uga soo jiidashada badan tahay abaarta! Ninka adduunka ugu saameynta badan ayaa la waydiiyay sida uu darajadaas ku gaadhay? Waxa uu yidhi “waligayba qof aan la kulmay dhoollahayga kama qarin”! Cawke Alle ha u naxariistee waxa yidhi “waligay maan arag qof i neceb!” Haddii sababta la baadhi lahaa waxa aan filayaa in ay noqon lahayd hadal hufnaantiisii iyo dhoolacaddeyntiisa is huwanaa!

Dhoolacaddeyntu waxa ay dhistaa ama ay bogsiisaa qalbi jabay amase engegayba. Odhaah Reer Galbeed ayaa waxa ay tidhaahdaa “dhoolacaddeyn ayaa wiil badbaadisay”. Waxa jiraybaa la yidhi wiil aan àabbe, hooyo iyo reer toona aan lahayn. Wiilkii ayaa noloshiisii nacay kadib markii uu qalbigiisa ka dhaadhiciyay in aanay jirin cid adduunka joogta oo jecel maadama aanu ehel iyo isir uu ku abtirsadaa aanu jirin. Kadib wiilkii waxa soo weheliyay walwal iyo walbahaar aad u badan waxaanu go’aan saday in uu is dilo oo uu adduunka iskaga tago! Waxa uu fuulay fooq dheer si uu iskaga soo tuuro. Isaga oo ku soo sii socda figtii sare ee fooqa ayaa waxaa ka soo hor baxay nin dhoolacaddeynaya oo wajigiisa iyo indhihiisu ay isku beegan yihiin. Nin kani wiilkan uma jeedo umana qoslayo balse wiilku waxa uu u qaatay in ninkani uu isaga u dhoolacaddeynayo, laakiinse isaga uma dhoolacaddeynayn ee qof ka shiisheeyay wiilka oo uu garanayay ayaa uu ninkani arkayay! Wiilkii waa istaagay oo waa farxay kadibna waxa uu is yidhi “malaha wali dad ku jecel ayaa adduunka jooga’e ha is dilin!” Sidii ayayna dhoolacaddeyntii ninku ay wiilkii ku badbaadisay!!

Waxa taas ba isku fuuqsatay hadalkii Nabigeenna Muxumed Sallaahu Calayhi Wasalam ee ahaa “wajiga walaalkaa oo aad u dhoolacedeysaa waa Sadaqo”! Haddaba halkaas waxa aad ka garan kartaa qiimaha dhoolacaddeyntu ay u leedahay guud ahaanba nolosha aadamaha ku xeeran iyo kaacaa-kufkeeda. Ha ahaatee, adigu qalbi jabay iyo qof warwalsanba ku badbaadi dhoolacaddeyntaada haba yaraatee oo haddii uu margi kugu jabnaan jiray maantabat baro sida ilkaha quruxdooda loo muujiyo!

Allaa Mahad Leh

Sayid Maxamed Cumar Darwiishka

Leave a comment