SADDEX NOOC AYAA DUMARKA LALA GUURSADAA !!

Published by

on

10593037_645568795584933_5973637848937641529_n

Gabadh waliba way jeceshahay in aan ninkeeda lala wadaagin, laakiin Sabab ayaa ku dhalisa ninka inuu la guursado Marwadiisa.

Hadaba Sababtu Maxay tahay ? Se waa kuwee Dumar had iyo jeer lala guursadaa?

Dumarka lala guursadaa waxay u badan yihiin waa sadexdan nooc Ee kala ah :
1) Aan kaa guursado.
2) Aan kula guursado.
3) Asn kuu guursado.

Hadaba hadii aan kala qaado sadexdan qaab ee keena in lala guursado Haweenka , waxay kala yihiin Sidan:

1. Aan kaa guursado:
Waa gabadh aan u ficnayn Nafteeda Ninkeeda iyo caruurteeda , Sida oo kalena Shaqada Guriga ka Gaabisa , waana Gabadhada loo yaqaan Basariga , ee Aan Nadafada aan badnayn,
xitaa nafteeda aan ku dadaalin inay qurxiso, sidoo kalena aan ninkeeda isku qurxin .
Taas Waa laga Guursadaa oo Guri gaari ayaaba laga Raadsadaa , Si Aad Uga Baxdo baylahdan Qoysnimo Iyo Qof ahaanba Idin Saameeysay.

2. Aan kula guursado:
Waa Gabadha sida kale u wacan lkn qaylada badan ninkeeda had iyo jeer maskaxda faraha u galisa , ee aan Niyada u dajin Ee Buuq Iyo qaylo joogto ah ku haysa sayigeeda , ee shakiga iyo sharkaba badan ee Dabagal Ku Haysa Ninkeeda Mar Walba , ee hadii ay in yar waydo oodhanaysa “xagaad ku maqnayd, Naag kale ayaad La joogtay , Aniga ima rabtid , xagaad ku soo daahday iyo yaa xalay kula soo hadlayay” .
Gabadhaas Iyana Inta Aanay kaa waalan Kuna Waalin waa lala Guursadaa oo riyada beenta ah ee ay ku riyoonayso ayaa run looga dhigaa .
iyadaa iska dagi doonta isna odhan Doonta ninkaaga soo jiido Oo xabiibada badi , Si uu tan kale U furo qalbigiisana u dagto kaligii, markaas ka diba qaylo iyo buuqa way kaa ilaalin doontaada Wixii danbe.

3. Waa loo Guursadaa:
Gabadha loo guursadaa waa Gabadha gaarida ah ee wacan laakiin aan ninkeeda xaga gogosha kaga cararta ee aan Ogolaan in ay gogosha la wadaagto, mar walbana oo Uu U yeedho ama u baahdana inta ay surwaal xidhato la dagaalanta Ee aan u Muujin marnaba Marwanimadeeda.
Taas iyana ninku wuxuu Kala kulmayaa Kadeed Badan , Iyo Hungow Iyo haraad Badan dabadeed iyana waa loo Guursadaa miskiintu waa ay dhiban tahaye !…..

Sadexdan nooc hadii aanad gabadhyahay Midna ku Sifoobin waligaa lagaa ag tagimaayo , adaana laguu indho xidhnaanayaa Abidkaa.
Hadii kale waa inaad imika sii diyaarsataa ood sii Eegataa gabadhii lagula Guursan lahaa.

Allaa mahad leh
W/Q : Zayed Mohamed Darwiishka

Leave a comment