Xasuustaydii & Magaalada Xaaxi!

Published by

on

Maanta waxaan arimo ii gaar ah awgood aan socdaal ugu tagay magaalada Xaaxi ee ka tirsan Gobolka Daadmadheedh. Waxaan kula kulmay xasuuso xuskayga ku beeray fajac marna ku abuuray farxad. Waa sunaha nolosha in uu aadamuhu farxad iyo fajacba la kulmo inta uu noolyahay. Waxaan ku soo koobi karaa xasuusahaygii iyo dhacdooyinkii magaalada Xaaxi, saddex arimood oo aan odhan karo:- Xaadaraad, Xasuuq iyo Xarays.
Xasuusahayga & Xaaxi
Waxa aan magaalada xaaxi aan ku arkay berkad qadiimi ah. Taas oo ahayd Berkadii ugu horaysay ee laga sameeyo gabi ahaanba gayi ay Somali degto. Berkadaas oo sibidh ahayd waxa la qoday hilaadii wakhti ku beegan 1930-kii. Waxaana sameeyay Cabdale Sheekh Muuse. Taasi waxa ay ina tusaysaa xadaaradahii waagaas ka jiray guud ahaan Gobolka Daadmadheedh.
Taasi waa taas. Ta labaad waxyaabaha yaabka, amakaaga, dhaygaga iyo fajicisada igu riday waxaa ay ahaayeen markii aan arkay xabaal wadareed ay ku duugan yihiin dad tiro ahaan laygu sheegay sodoneeyo. Waxa ay ahaayeen ayaa la igu yidhi dhaliin yaro Reer Xaaxiyaad ah, oo isugu jira xoogsato iyo xoolo dhaqato. Wakhtigii uu falkani dhacay waa xiligii ay soo baxday jabhadii SNM. Xasuuqa ay dawladii Siyaad Barre u geysatay dhaliinyaradan rayid ah ee aan waxba galabsani waxa ay ahayd isir nacayb iyo cadho loo qabay reer Somaliland.
Fircoon waxa uu reer bani Israa’iil Wiilashadoo uu u layn jiray waxa ay ahayd “cabsi uu ka qabo in uu ka soo dhex baxo kii isaga dililaaha” . Yaab, Siyaad Barre sababaha uu u xasuuqay da’yartan bir-ma-geydada ah waxa ay ahaayeen “cabsi uu ka qabo in ay ku biiraan Ururka SNM”. Waxa la ii sheegay in dhaliinyartan inta gamcaha laysugu xidhay ka dibna rasaas ooda lagaga qaaday. Hal wiil ayaa ka badbaaday oo isna dhawaac noqday mayd ahaan looga tagay Idamka Alle.
Ta iigu farxada badanina waa dugsi boarding ( boodhin) ah Afsoomaali ahaan waxa loogu yeedhi karaa (Xarays) balse anigu waxaan maqli jiray iyada oo laga sheekaynayo muuqaal guud un, se dareen iyo dooc fara-badan kama aan haynin boodhan iyo xaaladii.
Waxaan soo booqday dugsiga boodhanka ah ee ku yaal isla magaaladan Xaaxi. Waxaa aad ii cajab galiyay sida ay ardaydu noloshooda ugu tababar qaateen. Waa mid cajiib ah in aad aragto arday u tafaxaydan dhar dhaqic, weel xalid, gogol hufid, nadiifin, hu’ iyo hagaajin hoy, oo ay intaasna u dheer tahay akhris, qaybid, qorid, iyo ka jawaabid laylis oo joogto ah.
Runtii waa aan la dhacay markii aan arkay arinkan cajiibka ah. Ardaydgu waa askari oo kale waana inuu helaa layli iyo tababar wacan si uu helo garaado iyo darajo sare. Dabcan waxaan aaminsanahay in ardayga sidan wax u bartaa in uu ka awood iyo karti badan doono ka koolkoolinta iyo kaalmaynta kadinkooda lala garab joogo. Waayo nolosha ayaa ka abuuran tuurunturooyin fara badan oo u baahan in lala tacaalo si loola qabsado saameynteeda sidoo kalena loola saaxiibo.
Waxaa xusid iyo xasuus ii ahaa in aan dusiga kula kulmay maamulahiisa guud Sheekh Maxamuud Daahir Caraale oo ahaa macalinkaygii Mac-hadka Cabdale Nuuri ee Burco sanadadii 2000 ilaa 2002-dii. Macalinkaygan oo aan ku ogaa inuu ahaa midka ugu karida badan macalimiintii wakhtigaa ayaan haatana filaayaa inuu yahay midka kaliya ee hagi kara hanaanka iyo hab-u-socodka Dugsigan Xarayska ah.
Qurba-joogta reer Oodweyne wixii ay qabteen wax midho dhal ah oo muuq ahaan la tilmaami karo, waxaa jira Dugsigan boodhanka (Xarayska) ah, waana talaabo guul ah. Waxaan mahad Alle ka dib aan u mahadcelinayaa dhamaan wixii gacan ka gaysta dugsigan.

Sayid Maxamed Cumar ( Darwiishkii)

Si aad ula xidhoodho qoraaga shabakadan fadlan guji halkan Hoose

Sayid Mohamed Cumar (Darwiishka)

 

Leave a comment