Hab-dhaqanka Hufan Ee Islaamka!

Published by

on

Wiil yar ayaa soo galay masjid ku yaalla magaalo madaxda waddanka Farandiiska ee Baareys. Waxa uu u yimid iimaamkii masjidka. Ka dib waxa uu ku yidhi, “hooyaday waxay doonaysaa inaan dugsigaaga wax ka barto.” Iimaankii ayaa yidhi, “waa sax ee horta hooyadaa aan is aragnno ee u yeedh.” Wiilkii ayaa iimaamkii ugu jawaabay, “hooyaday way ila socotaa oo debedda ayay imika taagan tahay, balse masjidka ma soo gali karto sababta oo ah ma aha muslimad!”

Iimaamkii oo yaabban ayaa debedda u baxay oo u tegay hooyadii wiilka dhashay. Waxaana uu wayddiiyay sababta ay wiilkeeda ula doonayso in uu barto Diinta Islaamka, maadama aanay iyadu ahayn muslimad. Hooyadii ayaa si cajiib ah ugu jawaabtay, “waa runtaa oo Muslim ma ahi, balse waxa jirta gabadh muslimad ah oo jaar aannu nahay. Maalin kasta careerteedu marka ay dugsiga tegayaan wax aan arkaa iyaga oo hooyadood sii dhunkanaya, waliba si kalgaceyl ku jiro u sii nabad gelyeynaya. Sida oo kale wali maan arag qoys muslim ah oo waalidkood marka ay gaboobaan ee ay talax-gabaan dayrinaya, oo geynaya goobaha dadka waaweyn lagu xanaaneeyo, xagga aannu anagu waalidkayo u fogeynayo una geynayo goobaha dadka gaboobey lagu ururiyo.

Haddaba waxa i soo jiitay hab-dhaqankan aad ka u wanaagsan ee dadka islaamka ahi ay kula dhaqmaan waalidkood, ee kolka ay gaboobaan ay u xannaaneeyaan dhabarkana ugu xanbaaraan. Sidaa darteed, waxa aan door biday wiilkayga inaan baro dhaqanka Islaamka si barri ka maalin aanu ii tuurin ee uu ii xannaaneeyo!”

Kaasi waa dhaqankeenna suubban ee Diinteennu ay inagu boorisay in aynnu la nimaadno. Diinteennu (Islaamku) waxa ay meel sare gaadhsiisay xaqa waalidka iyo xurmayntooda. Waxa ay ina fartay in la adeeco (wixii aan macsi Alle ahayn) oo loo dhego nuglaado. In waalidka loo samo falo goor walba iyo goob kastaba. Nabigeennu (Scw) waxa uu inoo sheegay in raalli ahaan Rabbigeen uu ku xidhan yahay raalli ahaanshaha laba waalid, sida oo kale cadhadiisuna ay ku xidhan tahay cadhada labada waalid, jeeroo jannadaba la hoos dhigay labada cidhbood ee hooyada. Xurmada laba waalid ma aha in la hilmaamo, kolka ay gaboobaanna ma mudna in la iska fogeeyo oo la tuuro, iska daa in la tuura’e waxa ay mudan yihiin in aan dhulka la dhigin oo dhabarka lagu xanbaaro.

Haddaba qisadani waxa ay inoo caddeynaysaa sida dadka Islaamka ahi ay tusaalaha wacan ugu yihiin guud ahaan adduunka oo dhan, una mudan yihiin in lagu daydo. Qof walba oo Islaam ah waa inay ka muuqataa hab-dhaqanka wanaagsan ee ay Diintu ina fartay. Haddii la inaga helana waxa ay noqonaysaa in qof walba oo gaal ahi uu u bogo Diinta Islaamka isla jeerkaana uu u qaato, waayo waxa uu ogaanayaan in Diinta Islaamku ay tahay midda ugu saxsan diimaha adduunka ka jira. Fadlan noqo qof Islaam ah oo lagu daydo goor walba iyo goob kastaba.

Sayid Maxamed Darwiishka

Leave a comment